Hargaysa(Dayaxanews):-Maayirka magaalada Laascaanood Cabdiqaadir Jaamac, ayaa markii ugu horaysay daboolka ka qaaday inay soo dhawaynayaan cidkasta oo ka qayb-qaadanaysa Horumarinta Gobolka Sool, isla markaana taageeraysa kaabayaasha aasaasiga ah.
Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ee Magaalada Laascaanood oo uu hadalkan ka sheegay Munaasibad lagu taageeraayey Cusbitaalka guud ee Magaalada Laascaanood, waxaanu sheegay inay soo dhawaynayaan cidii wax taraysa Laascaanood iyo guud ahaan-ba gobolka Sool.
Waxa kale, oo uu Maayirku baaq u diray Qurba-jooga reer Gobolka Sool oo uu ku baraarujiyey inay ka qayb-qaataan Horumarinta gobolka Sool, isla markaana ay ku soo dhiiradaan Maal-gashiga.
?Waxaan soo dhawaynayaa cidkasta oo ka qayb-qaadanaysa Horumarinta gobolka Sool. Waxan qurbo-jooga ku baraarujinayaa inay ku soo dhiiradaan Maal-gashiga Gobolka.? Ayuu yidhi Maayirka Magaalada Laascaanood.
//
//


