Ururka Horumarinta Sanaag oo Shir  dhinaca Telephone u Qabtay shismaha  Wadada Ceergaabo; Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Horumarinta Sanaag iyo Wakiilka Somaliland ee USA. Shirkaasi wuxu dhacay shalay- Axad-dii, bishe Novemberna 10-keedii, 2013. Shirka waxa ka soo qayb galay oo gogoshiisa fidiyay gudida Ururka Horumarinta Sanaag oo ay magacyadoodu hoos ku qoran yihiin, waxa shirka lagu soo casumay Wasiirka Madaxtooyada Hirsi Ali Haji Hassan, Wasiirka Difaaca Ahmed Haji Ali Cadami, Wakiilka USA Rashid Garuf iyo Wakiilka UK Ali Adam. Shirka waxa lagu gorfeeyay mashruuca Wadada Ceergaabo, madaxdu waxay ka warantay mashruuca maamulkiisa, dhaqaalihiisa, qorshihiisa, iyo baahidiisaba. Gudida Ururka Horumarinta Sanaag waxay iyaguna ka warbixiyeen waxqabadka ururkooda, siday taageero hiil iyo hooba leh ugula diyaar yihiin mashruuca wadada Ceergaabo, waxa kale oo madaxda ay waydiiyeen wixii su’aalo ay ka qabeen mashruuca. taasi oo si aad faah faahsan uga jawabeen masuulyintii la soo casuumay dhaman halka ay wax u marayaan bahiyaha taagan iyo waliba sida ay lagama mar manka u tahay in la is kaashado shacab dawlada qurbo joog iyo qormo joog intaba .

https://drive.google.com/file/d/0B-5K2v1u42L0MTE1Qk5YYVJDMk0/edit?usp=sharing

Gudida Horumarka Sanaag waxay aad iyo ugu mahadnaqayaa marti sharaftii kala soo qayb gashay shirka . Waxa aad halkan [sare]  ka dhegaysan kartaa hadalkii laga yidhi shirka, qudbadihii, su’aalihii iyo dhamaan jawaabihiiba. 

Ururka Horumarka Sanaag, Gudida Wadada Ceergaabo, Wakiilada USA iyo Wakiilka UK dhamaantoodba waxay ka codsanayaan Jaaliyadaha Somaliland ee jooga qurbaha meelkasta oo ay joogaanba inay ka qayb qataan horumarinta gobolka sanaag iyo waliba mida u wayn ooah dhismaha wadda isku xidhaysa burco iyo ceerigaabo taas oo baahi wayn u qabaan dhamaan shacabka ku dhaqan gobolka sanaag waxa gudida horumarinta gobolka sanaag xasuusinayaan dhaman umada rer somaliland in wadooyinka ay yihiin meelaha ugu ajarka badan ee maal ku bixin karto halka dadka gudaha jooga ugu baqeen in xoogooda iyo xoolahoodaba kaga qayb qataan hirgalinta wadada gababadii waxa warxafadeedka ku xuseen in wadada iyo horumar suurooben hadii aan gacmaha la is qabsan  wadada Ceergaabo, ka dibna ay taageero buuxda oo hiil iyo hooba leh ay siiyaan mashruucan. Cidina uma maqna ceelna uma qodna maanta mashruuca wadada Ceergaabo yaan loo kala hadhin.


1- ENG/ SACIID CAWIL.
2-ENG JAAMAC YASIN DERIGAAD.
3-YUSUF JAAMAC MAXAMED.
4- DR MAXAMED CAWIL.
5- ENG CALI BARRE.
6-YUSUF CABDI CADDE.
7-XUSEEN CALI XUSEEN.
8- CABDIRAXMAAN CALI MATTAN.
9- CISMAAN SHEIKH DALMAR.
10. FOOSIYA FAARAX XARBI.
11- AXMED GUREY.
12- ENG SACIID CALI FARAS.
13-XAAJI YASIN QOOBCADDE.
14- ABDALLE  MAXAMUD XAAJI DUCAALE.
15-MAXMED SACIID WARSAME.
16-AXMED CABDLAHI

17- KOOS OSTON.

18-AXMED CAWAD DUCAALE

 

Hotline