Lodon(Dayaxa)-Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa dhamaystay oo ku gudo jira diyaarinta buugii waxbarashadda heerka labaad ee Master- degree –ga ee jaamacadda York St. John University ee wadanka Ingiriiska (UK).

wasiirka-iyo-jaamacadda-300x300Wasiirka oo arrintaasi ka hadlayay wuxuu yidhi “Waxay ahayd Shalay ka dib markaan soo gunaanaday doorashada ciwaanka “Final dissertation” aan wax ka qori doono si aan u hantiyo shahaadada Waxbarashada heerka labaad “Master Degree For Leading Innovation and Change” ee jaamacadda York St. John University ee wadanka Ingiriiska (UK).“Runtii taa badalkeeda aqoontaada oo aad sii kordhiso waxay wax tar u tahay kolba meesha aad ka shaqaynayso. “When you know better you do better,”ayuu ku yidhi Wasiirku qoraal kooban oo uu ku daabacay mareegtiisa guusha.com

Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay in qofku uu qaban karo shaqooyin badan isagoo ah qof kaliya, waxaanu yidhi “Karaamada uu Alle Bini’adamka siiyey ayey ka mid tahay in uu qaban karo shaqooyin badan isagoo qof kaliya ah.”

“Waxbarashadu ma aha mid ku xidhan da’ balse waa mid ay tahay in qofku ku raad joogo inta uu nool yahay sida uu Nabigeenu S.C.W uu inoo Sheegay Xadiis Macnahiisu ahaa ” Raadi Cilmiga Min Xoolka ilaa Xabaasha,” ayuu intaas ku daray Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Live as if you were to die tomorrow. Learn as if you were to live forever.?” Mahatma Gandhi, “Waan idiinka mahad celinayaa ducadiina iyo dhiirigalintiina joogto-tada ahayd mudadii aan ku gudo jiray diyaarinta iyo galintaanka imtixaanadka.

Guud ahaan waxaan leeyahay asxaabtayda iyo cid walba oo ku raad joogta ka midho dhalinta aqoonta iyo qalin maal-nimada ” Ha ka Daalin Horumarinta Aqoontaada, ha ka Baqnin wixii aanad aqoon inaad waydiiso ehelkeeda, hana ka Xishoon Waxaa Garan maayo waa Cilmiga Badhkiiye. Wa Bilaahi Tawfiiq,”ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

 

DayaxaNews/Office

Hargeisa somalland