Berbera(Dayaxa)-Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta safar shaqo ugu kicitimay magaalladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, kaasi oo ay u jeedadiisu ahayd sidii uu madaxwaynuhu tababar ugu soo xidhi lahaa ccutubyo ka tirsan ciidamada Badaha Somaliland oo ay tababar ku siiyeen Berbera ciidamo ka tirsan kuwa dalka Ingiriiska.

Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2

Madaxwaynaha iyo weftiga uu hogaaminayo oo saaka diyaarad ka raacay magaaladda Hargaysa ayaa markii ay ka degeen madaarka diyaaradaha ee magaaladda Berbera waxa halkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiinta gobolka Saaxil iyo dadwayne kale oo aad u tiro badan.
Weftigan balaadhan ee uu hogaaminayo madaxwaynaha Somaliland ayaa ka hor intii aanay u kicitimin dhinaca badda ee uu ciidamada tababarka ugu soo xidhayay, waxa ay kormeer ku soo mareen xaafadihii ay waxyeelada u gasyteen roobabkii maalmihii la soo dhaafay ka da’ayay dalka.

Waxaana ka mid ahayd xaafadaha ay madaxwaynaha iyo weftigiisu kormeerka ku soo mareen xaafada loo yaqaano Barqo San oo ku taala dhinaca koonfureed ee magaaladda Berbera, xaafadaasi oo ka mid ahayd meelaha ay si aadka ah khasaaraha balaadhan ugu gaysteen roobabku, taasi oo ay roobabaku guryo badan ka dumiyeen.

Sidoo kale waxa ka mdi ahayd meelaha uu kormeerka ku soo maraya madaxwaynuhu Dugsiga sare ee Bursade oo ay degan yihiin dad gaadhaya ilaa 5 boqol oo qoys oo ku barakacay roobabka,kuwaasi oo isugu jira qaar ay roobabku guryohoodii dumiyeen iyo kuwo ay biyo ka buuxiyeen.iyada oo ay halkaasi madaxwaynaha warbixino la xidhiidha khasaaraha ay roobabku u gaysteen ku siiyeen maamulka gobolka iyo ka degmadda Berbera. waxaanay masuuliyiintu uga warameen madaxwaynaha sidii ay ugu gurmadeen dadkaasi iyo weliba sida ay ugu baahan yihiin gargaar kale.

Madaxwayne Siilaanyo oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay xukuumadu gacan ka gaysan doonto sidii dadkaasi wax loogu qaban lahaa, waxaanu balan qaaday in ay dawladu diyaar u tahay in ay caawiso guud ahaanba dadka ku nool Somaliland ee ay waxyeelada u gaysteen roobabku gaar ahaana kuwa ku nool degmada Berbera.

Intaasi ka dib madaxwaynaha iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa tegay dhinaca dekadda Berbera halkaasi oo uu joogay markab ay leeyihiin ciidamada dalka Ingiriiska oo shalay ku soo xidhay dekada, kaasi oo ay saarnaayeen saraakiil iyo khubaro ka socday ciidamada bada ee Ingiriiska.

Taliyaha ciidamadda ilaaladda xeebaha Axmed Aw Cismaan, oo madaxwaynaha warbixin ka siiyay waxa u yidhi “waxaa noo farxad ah in aad nagala soo qayb gashid xafladda xidhitaanka tababarka ee ciidamadda ilaalada xeebaha Somaliland ay ka heleen cutubyo ka tirsan ciidamadda Badda Royal Marine-ka dalka Ingiriiska, oo saran markab la yidhaahdo Man Sp …. Ciidamadaasi tababar ayay na siiyeen, tababarkaasina waxa uu socday muddo laba todobaad ah, Wuxuu ahaa tababar qiimo leh oo lagu baranayay takhasusaad kala duwan oo ay ciidamadda baddu qaateen.

Sidoo kale waxaa halkaasi hadalo ka jeediyay wasiirka arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo hadalka halkaasi ka jeeidyay, iyo wasiirka arrimaha guddaha ee Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde.

Dhinaca kale waxaa iyagna halkaasi hadalo ka jeediyay saraakiil iyo khubaro ka socday ciidamada baddaha ee dalka Britian, waxaanay ka warameen xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Britian.

Intaasi ka dib madaxwaynaha iyo weftigiisu waxay dusha ka fuuleen markab ay leeyihiin ciidamada badda ee dalka Ingiriiska, halkaasi oo tababarka loogu soo xidhi doono cutubyadaasi ka tirsan ciidamada baddaha ee Somaliland.