Caynaba(Dayaxanews)-Wasiirrada Wasaarada Beeraha iyo dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa shalay si rasmiya u furay xadhigana ka jaray Hudheel caalami ah oo la yidha ISHA CAYNABA oo Orodyahan ka Caanka ah ee Jaamac Karaaciin uu ka hirgeliyey magaalada caynaba.

wasiiro

Hudheelkan oo ah Hudheel Baaxadweyn  isla markaasna kharash badani ku baxay , si qurux bandanna loo dhisay ayaa furitaankiisii waxa ka soo qaybglay Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax cilmi geedoole, wasiirka dhalinyrada iyo ciyaraha Cali Siciid Reygal,

Badhasaabyada Gobolada Togdheer, Sool iyo Saraar,  Masuliyiinta Shirkadaha Dahabshiil Group, Salaadiin, Cuqaal, Qurbajoog ka kala yimi waddamada Carabta yurub iyo maraykan, Ururka haween waynaha qaranka ee NOW, Jilayaasha Caanka ah ee Jawaan iyo sooraan Culimo awdiin iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

 

Munsibadda furitaanka Hudheelka ISHA CAYNABA ayaa bilaabantay kadib salaadi duhur ee jimcaha waxana ka hor bilowgii munasibadda casumad qado sharaf ah loo sameeyey martidii tirada badnayd ee isaga kala timi Gobolada dalka iyo qurbaha.

 

Intaa kadib waxa munsibadda furay jilayaasha caanka ah ee jawaan iyo soraan kuwaaso masraxiyad kooban oo qosol badan ku soo bandhigay madasha, kuna ammanay Mulkiilaha Hudheelkan Isha Caynaba Jaamac Karaaciin.

 

Kadiba Waxa munasibadda mahadnaq balladhan uga jeediyey Orodyahan Jamac Karaaciin Badhsabka Gobolka Saraar, Taliyaha Qaybta Boliska ee Gobolka saraar iyo maayarka Magalada Caynaba, kuwaso ku tilmaamay halyey u guntaday horumarka gobolkiisa iyo dalkiisa, waxay xuseen in Magaaladu labada indhood ba la’ayd isla markasna hudheelkani wax weyn ku soo kordhin doono yahayna il ka mid ka ah labadii indhood ee gobolka oo uu u jeexay Jaamac karaaciin, waxay qireen in dhaqaale ka soo gelayaa beryahan aanu jirin mulkiilaha hudheelkan balse uu u badheedhay inu isagu maalgeliyo oo gobolka saraar la tartansiiyo gobolada waweyn sida hargaysa isla markaasna aanu wax faaido ah ama dhaqaale ahka rabin, sido kale wuxu tliyu si gaar u sheegay in nabdgelyada gobolku ka duwantahay sidii hore 100% ay wanaagsantahay Bulshaduna ay kala shaqayso dhinaca amnigu, isagoo xusay in ciidan ahan iyo bulsha ahaanba ay dammaanad qaadayaan in  la ilaashado hudheelkan amnigiisa iyo sumcadiisaba.

 

Waxa iyaguna halkas kelmado dhiirigelin, Duco iyo dardaaran isugu jirey ka soo jeediyey Suldaan Maxamud Guuled, suldan Maxed xaji xusen, suldan maxed adan, suldan  c/raxman qodax, sh. Maxed siciiid dhammaantood waxay si isku mid ah u sheegeen in hudheelkani  tusaale u yahay bulshda reer caynaba kun dayan doonan bulshooyinka kale ee dalku iyago ugu duceeyey mulkiilaha hudheelka in ilaahay ubarakeeyo, waxay xuseen in hudheelkani noqonayo hudheelki Nabadda isla mrkasna wxyaabaha yaryar ee ka dhaca bariga lagu xalin doono markasta, iyagoo reer caynba na ku waaniyey Inay Nabadgelyada ku faro adaygaan.

 

Waxa munasibadda lagu soo bandhigay Cayaaro dhaqameedyo kala duwan, iyo gabayo ay ka jeediyeen abwaano reer caynaba ahi, iyadoo hadalo bogaadin iyo amman u bandanna ay madasha ka soo jeediyeen Maamulka Shirkadd Laydhka Beder, iyo Maamulaha Shirkaddii Dhistay Hudheelkan ee AL Baraka Construction, waxayna xuseen in Caynaba horumarkeedu kor u socdo, iyago ku tilmaamay Jamac Karaaciin Halyey Geesi ah oo qaatay Go’aan adag, iyadoo bay yidhaahdeen Dad badani ka walaaciyeen dhismaha hudheelkan ee caynaba.

 

Jaamac Karaaciin ayaa isna Dadweynihii nooc walba lahaa ee ka soo qaybgalay munasibddan uga mahadceliyey ka sooqaybgalkooda iyo ducada ay ku miiseen, waxanu sheegay in dadka qaar ay diyaarado u soo raaceen xafladdan logu wanqalayo hudheelka, isago ka shekeeyey waxyabaha ku kellifay inu halkan ka dhiso hudheelka baaxaddaa iyo bilicdaa leh oo ay ku baxday boqolal kun oo dollar, isago xusay inaanay muhiimaddiisu ahayn inu lacag ka helo ama faaido balse ay ahayd inu gobolka iyo dadkiisa tusaale ugu noqdo horumarka si gobolku u noqdo gobol weyn oo cid waliba timaado islamarkasna maalgashato.

 

Wasiirka Beeraha Faarax Geedoole  iyo Wasiirka Ciyaaraha Cali Sicid Raygal aya iyaguna Mulkiilaha Hudheelkan ku bogaadiyey geesinimada u sameeyey iyagoo qurbajooga iyo ganacsatada kale ee gobolkana u soo jeediyey inay gobolka horumariyan maadaama jaamac bilaabay, kuna sameeyaan maalgashi. Wasiirka beeraha Somaliland waxa u si gaar ah ugu digey dadka seerayasha ka ootay gobolka, isago xusay inan beer loo aqoonsanayn meel la iska ootay oo anay waxba ka soo baxaynin ama an lagu beerin , wasaarad ahaana baabiin doonaan, sharciyona ka soo saareen, isago dhinciisa wasiirka dhalinyarada iyo ciyaruhu dhlinyarada gobolka sarar ku dhiirigeliyey ciyaraha fudud una ballanqaaday haddii ay keenaan dhalinyaro orodyahano ah oo dheereynays in tababaro ay siin doonto wasaaradiisa iyo orodyahan jamac karaciinba, si dhalinyarada loo dhiirigeliyo.

 

Waa markii ugu horeysay ee Hudheel Baaxaddaa leh laga hirgeliyo gobolka saraar, taasoo illaa shalay ahayd is weydiinta ugu badan ee reer caynaba is weydiinayeen, iyadoo hudheelkuna ku fadhiyo qiyas ahaan dhul ka badan 71 Ballooodh

 

Dayaxanews/Office

Caynaba Somaliland